Web Content Viewer
Actions

War saxaafadeedka maalinlaha ah ee Gudoomiye Mike DeWine ayaa lagu heli karaa luqado badan, oo ay kamid tahay luqada Jeyniisku, Smarka dhawaan la dhameystiro. Dhamaan war saxaafadeedyada waxa laga heli karaa bogga Youtube-ka ee Ohio Channel. Waxaad ka heli kartaa https://www.youtube.com/channel/UCporaXCeaOJgZKz7y3C0zbg ama adigoo Youtube ka baaraya "The Ohio Channel".

Liiska dhammaan war saxaafadeedyada ayaa laga heli karaa qeybta "Video". Inkasta oo ay qaadan karto dhawr saacadood si loo dhameystiro turjumaada, waxaad ku ogaan doontaa inay diyaar yihiin marka aad aragto calaamada "CC" ee qoraalka ee ku taala geesta midigta hoose ee fiidiyowga.

Si aad u doorato luqada qoraalka, marka hore taabo calaamada "CC" ee ku taala geesta midigta hoose ee fiidiyowga. Marka aad sidaas sameysid, dooro astaanta settings (geerka ku ag yaala batoonka CC) kadibna dooro xulashada qoraalka/CC. Immika waxaad heli doontaa xulashada "auto translate" Marka aad ku dhufato halkaas, waxa kuusoo bixi doona xulashooyin luqadeed oo badan kuwaas oo aad u dooran karto qoraalka.

Waxaad ka baran kartaa halkan sida loo sameeyo xulashooyinkan: https://www.youtube.com/watch?time_continue=3&v=Y7W41VMxyQE&feature=emb_logo 

Somali COVID-19 Checklists
Checklists to help you protect against COVID-19.